Cudurrada Ku dhaca Dalagyada
Cudurrada Ku Dhaca Beeraha Noocyada, Sababaha, Calaamadaha iyo Sida Looga Hortago
Beeruhu waa saldhigga ugu weyn ee sugnaanta cuntada,
kobaca dhaqaalaha, iyo shaqo-abuurka dalal badan, gaar ahaan Soomaaliya. Si
kastaba ha ahaatee, wax soo saarka beeraha waxaa si weyn u saameeya cudurrada
ku dhaca dalagyada. Cudur kasta oo ku dhaca geedka wuxuu carqaladeyn karaa
koritaankiisa, ubax bixintisa iyo miro dhalistiisa, taasoo keenta hoos u dhac
ku yimaada tayada iyo tirada dalagga. Taasi waxay si toos ah u dhaawacdaa
dakhliga beeraleyda iyo helitaanka cunto ku filan.
Qormadan waxay si isku faahfahsan u sharxaysaa
cudurrada ugu badan ee ku dhaca beeraha, sababaha keena, calaamadaha lagu garto
iyo hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo.
Waa
Maxay Cudurka ku dhaca Dalagga?
Cudurka dalaggu waa xaalad waxyeello u geysata geedka,
taasoo saameyn ku yeelata koritaankiisa iyo wax soo saarkiisa. Cudurradan waxaa
keeni kara nooleyaal kala duwan sida fangaska (fungi), bakteeriyada (bacteria),
fayrasyada (viruses) iyo nematodes (gooryaanno aad u yaryar oo ku nool ciidda).
Mararka qaarna, cudurku wuxuu ka dhashaa xaalado deegaanka la xiriira sida
nafaqo yari, biyo yari, waraabin badan, ama ciid aan habboonayn.
1. Cudurrada
Fangaska (Fungal Diseases)
Fangasku waa sababta ugu badan ee cudurrada dalagyada,
waxaana uu si fudud ugu faafo qoyaan badan, waraabin aan sax ahayn, iyo hawo
xumo ku jirta beerta,
Calaamadaha lagu gartana waxa ka mid ah Dhibco bunni
ama madow oo caleemaha ka muuqda, Caleemo qalalan ama data, Jirrid qudhunta ama
bolosha, Miraha oo qudhma ama halaban, boor cad oo dusha ka muuqda.
Dalagyada uu ku badan yahay cudurka fangaskuna waxa ka
mid Galleyda, Masaggada, Digirta, Yaanyada, Basasha, Baradhada iyo Qajaarka
Waxana ka mid ah cuduradaas Powdery Mildew, Downy
Mildew, Rust, Anthracnose, Early Blight, Late Blight, Fusarium Wilt
Si looga hortago ama loo yareeyo qasaraha cuduran waa
in la isticmaalaa abuur caafimaad qaba oo la hubiyay, laga fogaadaa waraabinta
xad dhaaf ah, La Sameeya kala badalida dalagyada (Crop Rotation), in laga saaro
oo la gubo dhirta cudurka qabta si uusan u faafin iyo in la Adeegsado fungicides
marka loo baahdo, iyadoo la raacayo tilmaamaha saxda ah.
2. Cudurrada
Bakteeriyada (Bacterial Diseases)
Bakteeriyadu waxay si degdeg ah ugu faaftaa biyaha,
qalabka beeraha, ciidda, iyo cayayaanka qaarkood. Haddii aan si dhaqso ah loo
xakameyn, waxay sababi kartaa dhaawac ballaaran oo ku yimaada dalagga.
Calaamadaha lagu gartana waxa ka mid ah Caleemo huruud
noqda, Nabaro biyo leh oo ku samaysma caleemaha ama jirridda, Jirrid jilicsan
ama dillaacda, Geedka oo si lama filaan ah u qalala.
Dalagyada uu ku badan yahay waxaa ka mid ah Yaanyada, Basbaaska,
Kaabashka iyo Digirta.
Waxana ka mid ah cuduradaas Bacterial Wilt, Bacterial
Spot, Fire Blight, Soft Rot
Si looga hortago ama loo yareeyo qasaraha waa in la Nadiifiyo
qalabka beeraha ka hor iyo ka dib isticmaalka, In aan la waraabin caleemaha
dushooda haddii aysan daruuri ahayn, In la Isticmaalo abuur nadiif ah oo cudur
ka madax bannaan iyo laga saaro dhirta cudurka qabta si aysan u noqon isha
faafitaanka.
3. Cudurrada
Fayraska (Viral Diseases)
Fayrasyadu waa cudurro si fudud ugu faafta cayayaanka
sida aphids, whiteflies, iyo thrips. Marka geedku qaado fayras, badanaa daawo
toos ah oo lagu daaweeyo ma jirto, sidaas darteed ka hortaggu waa muhiim.
Calaamadaha Fayraska ee kaso muuqda dalaga waxa ka mid
ah Caleemo isku laaban ama qalloocma, Midabyo isku dhex jira oo caleemaha ka
muuqda (Mosaic), Koritaan gaabis ah iyo Miro yaryar oo aan si fiican u bislaan.
Dalagyada uu ku badan yahay waxa ka mid ah Yaanyada, Basbaaska,
Qaraha, Bocorka iyo Digirta
Waxana Fayraskaas ka mid ah Tomato Mosaic Virus, Tomato
Yellow Leaf Curl Virus iyo Cucumber Mosaic Virus
Waxaana looga hortagi karaa in la Xakameeyo cayayaanka
gudbiya fayraska, la Isticmaalo noocyo dalag oo u adkaysta fayraska, In laga
saaro geedaha cudurka qaba isla marka la ogaado iyo in la ilaali nadaafadda
beerta si loo yareeyo faafitaanka.
4. Cudurrada
Nematodes
Nematodes waa gooryaan aad u yar oo ku nool ciidda,
kuwaas oo weerara xididdada geedka. Waxay dhaawacaan awoodda geedka ee nuugista
biyaha iyo nafaqooyinka, taasoo keenta koritaan liita.
Calaamadaha lagu gartana qaar ka mid ah waa Koritaan
gaabis ah, Caleemaha oo midab huruud ah yesha, Xididdo buro yeesha ama
dhaawacma iyo Dalag yar oo tayo hoose leh.
Dalagyada uu ku badan yahay sida Yaanyada, Basbaaska, Baradhada
iyo Digirta.
Si loo yareyo qatartisuna waa in La isticmaalo ciid
caafimaad leh oo aan cudur lahayn, La adeegsado noocyo iska caabin leh haddii
la heli karo iyo in laga fogaado in isla dalaggu muddo dheer ku sii jiro isla
goobta.
5. Cudurrada
Ka Dhasha Deegaanka
Mararka qaar geedka cudurada ku dhaca ma ah mid ka
yimid fangas, bakteeriya, ama fayras, balse wuxuu la kulmaa dhibaatooyin
deegaanka la xiriira. Arrimahan waxay si toos ah u saameeyaan caafimaadka iyo
wax-soo-saarka dalagga.
Sababaha keeni kara cudurada degaanka waxaa ka mid ah Nafaqo
yari, Biyo yari, Waraabin badan, Cusbooyinka badan oo ciidda ku jirta iyo Kulayl
ama qabow daran.
Calaamadaha lagu arko geedka mara uu haleel xanuunada
degaanka ka dhasha waxaa ka mid ah
Caleemaha oo midabka huruud noqda, Geedka oo gaabiya
ama daciifa, Midho yaryar ama tayo liidata.
Habada si looga hortaggo waa in la Sameeyaa baaritaan
ciidda ah si loo ogaado nafaqooyinka ka maqan, Loo waraabiyo si dheellitiran oo
ku habboon dalagga, Laga fogaado ciid milix badan leh haddii aan la sixi Karin,
Ilaali geedka xaaladaha cimilo ee daran intii suurtagal ah.
Dalagyada
Soomaaliya iyo Cudurrada Inta Badan Ku Dhaca
Dalagyada Soomaaliya lagu beero waxay la kulmaan
cudurro kala duwan, kuwaas oo qaarkood aad ugu badan yihiin gobollada hodanka ku ah dhul-beereedka sida Shabelooyinka, Hiraan, gedo iyo jubooyinka.
Galleyda waxaa
badana laso darsa cudurada kala ah (Rust, Leaf Blight iyo Smut) Sisinta (Wilt, Leaf Spot) Liinta (Citrus Canker, Citrus Greening)
Yaanyo (Early Blight, Late Blight,
Fusarium Wilt iyo Bacterial Wilt) Basasha
(Purple Blotch, Downy Mildew) iyo sido kale Digirta (Anthracnose, Root Rot iyo Powdery Mildew) cuduradan waxaay
ku kala duwanaan karaan waqtiga uu geedka laso darso ama qeybta geedka uu ka
haleelo qaar ayaa caleemaha ku dhaca, kuwa ku dhaca stemka geed ama kuwa
xidiidka dhibateyo.
Gunaanad
Cudurrada beeruhu waxay ka mid yihiin caqabadaha ugu
waaweyn ee saameeya wax soo saarka dalagyada. Fahamka noocyada cudurrada,
sababahooda, calaamadahooda, iyo hababka looga hortago ayaa muhiim u ah
beeraley kasta. Marka la isku daro abuur tayo leh, nadaafad beereed, wareejinta
dalagyada, waraabin sax ah, bacrimin dheellitiran iyo kormeer joogto ah, waxaa
si weyn loo yareyn karaa khasaaraha, waxaana la kordhin karaa tayada iyo tirada
dalagga.
FG:
-
Ka hor inta aanad isticmaalin wax dawo beeraha ah, hubi in cudurka si sax ah
loo aqoonsaday. Daawo khaldan waxay kordhin kartaa khasaaraha, kharashka, iyo
halista iska-caabbinta cudurrada.