Nolosha Haramcadka (Cheetah): Xayawaanka Ugu Dheereeya Dunida
Haramcadka (Cheetah) waa xayawaanka ugu dheereeya dhulka, wuxuuna ka tirsan yahay qoyska bisadaha waaweyn. Inkastoo uu caan ku yahay xawaaraha cajiibka ah, haramcadku maanta wuxuu wajahayaa khataro badan oo ay ka mid yihiin dabar go', luminta deegaanka dabiiciga ah iyo ugaarsiga sharci darrada ah. Fahamka noloshiisa iyo ilaalintiisu waa muhiim si jiilasha mustaqbalka ay u arkaan xayawaankan qiimaha badan. Asalka Haramcadka Cilmi baarayaashu waxay rumeysan yihiin in Taariikh ahaan haramcadka ay soo jireen ku dhowaad 5 ilaa 7 milyan oo sano ka hor. Nooca haramcadka casriga ah ( Acinonyx jubatus ) ayaa la aaminsan yahay inuu soo baxay qiyaastii 1 ilaa 2 milyan oo sano kahor, isagoo markii hore ku faafay Afrika, kadibna gaaray qaybo ka mid ah Aasiya iyo Bariga Dhexe . Degaan ahaan Halkee Ayuu Ku Nool Yahay Haramcadku? Haramcadku wuxuu inta badan ku nool yahay dhulka bannaan ee Afrika, sida savannada iyo dhul daaqsimeedka. Tiro yar ayaa sidoo kale laga helaa qaar ka mid ah dala...