Dhaqashada Digaagga
Digaaggu waxaa loola
jeedaa shimbiraha la dhaqdo ee ay dadku u korsadaan cunto ama waxyaabo kale,
sida hilib, ukun, ama baalasha. Tusaalooyinka caanka ah waxaa ka mid ah digaaga,
turkey (Qoor-diirta) duck (Boola-boolada) iyo quail (Doora Duurta).
Taariikh ahan digaaggu waxaa la dhaqanayay in Qiyaasti 8,000 sano ka hor Qaarada Aasiya, oo asal ahan ka timid digaagga duurjoogta Gaduudan.
Sido kale Faraaciyiinti hore ee masar, Giriiggii, iyo Roomaankii waxay digaagga u dhaqan jireen hilib, ukun, iyo xaflado diimeed iyo dhaqan, iyado Xilliyadii dhexe, digaaggu wuxuu waxaa si cadi ah loogu dhaqan jiray beeraha Yurub iyo Bariga Dhexe (carabta), xilligii gumaysigii reer Yurubna digaagu waxa uu gaaray Qaarada Ameerika.
Qarnigii 19aad, dadka dhaqda ama daneeya dhaqashada xoolaha waxay bilabeen oo fahmeen hababka tarminta digaaga (breeding) iyadoona xiligaas la bilaabay bandhigyo lagu sameyo digaagga iyo wax soo saarkeeduba.
Qarnigii 20aad waxa la casriyeeyay dhaqashada digaagga iyado ay bilowdeen tartan lagu soo saraayo mashiinnada ukunta dillaaciya (Egg Incubators), tallaallada (Vaccines), iyo quud dheellitiran.
Waxaa ugu caansan ee loo soo saaro digaagana waa seddex sababood oo laba ka mid ah dunidu aad ugu tiirsan tahay Ukun, Hilib iyo sababo la xiirira Baalasha Digagag.
Digaaggu waa Xayanka ugu nugul cudurada waxa uuna is qaadsiya si dhaqsi ah isaga iskaga gudbiya midba kan kale waxa ka mid ah cudurada ku dhaca Cudurka Jadeecada iyo Furuq Digaagga iyo Gumboro Disease (IBD oo ay sababaan Fayras, iyo sido kale Chronic Respiratory Disease (CRD), Fowl Cholera oo ay sababan Bakteeriyo,
Waxana xanuunadaas iyo kuwa kale oo badanba lagu mareeyn kara ama looga hortagi karaa in la Sameeyo jadwal talaal oo joogto ah,
In la siiyo Cuna dheeli tiran iyo biyo nadiif ah, Nadiifinta guriga iyo qalabka si joogto ah iyo in la Xaddido dadka iyo xoolaha kale ee soo gala beerta lagu xaneynayo digaagga.
Ugu dambeyn wax soo saarka Digaagga waxa il dhaqalo oo joogta ah hadi mareyn iyo maalgelin lo sameyo waxay noqon karta il dhaqalo iyo shaqo abuur iyado xooga la sarayo kuwa dhala Ukunta (ISA Brown) iyado u bahan kaliya cuno ku filan taaso 6bil ka dib kuso sari karta ukun waxana sanadki la qiyasa inay dhali karto 320-360 ukun, sido kale kuwa loo dhaqdi hilib ahan sida (Rainbow Rooster) kaliya waxay u baahan tahay 35-45 malin oo quudin ah laga soo bilabo malinka ukunta dilaacdo.