Fursadda Dahabiga ah ee Maalgashiga Beeraha

Maalgashiga Beeraha
Maalgashiga beeraha (Agricultural Investment) waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, yareynta saboolnimada iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada. Iyadoo dunidu ay wajahayso kororka dadka, isbeddelka cimilada iyo baahida sii kordheysa ee cuntada, beeruhu waxay noqdeen qayb istiraatiiji ah oo ay dowlado, shirkado iyo maalqabeenno badan diiradda saarayaan.

Soomaaliya, oo leh dhul ballaaran oo qiyaas ahan 8.2 Milyan oo Hector wax soo saarka ku Wanaagsan, laba webi (Jubba iyo Shabelle) iyo cimilo ku habboon abuurka dalagyo kala duwan, waxay leedahay awood weyn oo ay ku noqon karto xarun muhiim u ah wax soo saarka beeraha Bariga Afrika haddii si sax ah loo maalgashado.

Maalgashiga beeruhu waa gelinta raasumaal, aqoon, farsamooyin casri ah, iyo teknoolojiyad lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha iyo silsiladda qiimaha (Value Chain).

waxa uuna noqon karaa, Maalgalinta Beerista dalagyada sida miraha iyo khudaar, Nidaamyada waraabka, Mashiinnada beeraha, Kaydinta iyo qaboojinta dalagyada, Warshadaha farsamaynta cuntada, Ganacsiga iyo dhoofinta wax soo saarka.

SababhaAy Muhiim u Tahay Maalgashiga Beeraha

1. Sugnaanta Cuntada Marka wax soo saarka gudaha kordho, waxaa yaraada ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga soo dejiyo. Taasi oo hoos u dhigta qiimaha cuntada, xoojiso amniga cuntada sido kale yaraysaa khatarta ka dhalata suuqyada caalamiga ah.

2. Shaqo Abuur Hay'adda FAO waxay sheegtay in beeruhu ay yihiin shaqo abuuraha ugu weyn waddamo badan oo soo koraya. Maalgashi kasta oo lagu sameeyo beeraha wuxuu abuuri karaa shaqooyin cusub sida Beeraley, Injineerro beeraha, Farsamayaqaanno, Darawallo, Ganacsato, Shaqaale warshadeed, Suuq-geyn iyo dhoofin

3. Kobcinta Dhaqaalaha Beeruhu waxay kordhiyaan Wax soo saarka guud ee dalka (GDP), Dakhliga qoysaska, Dakhliga dowladda, Lacagaha qalaad ee kasoo gala dhoofinta. Dalalka sida Netherlands, Brazil, India iyo Vietnam waxay muujiyeen in maalgashiga joogtada ahi uu beeraha ka dhigi karo Mishiin dhaqaajiya dhaqaalaha.

Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay fursado badan oo aan weli si buuxda looga faa'iidaysan.

1.      Waxaa ka mid ah Beerashada Sisinta oo ah dalag si weyn loogu dhoofiyo suuqyada Turkiga, Shiinaha, Imaaraadka iyo Sacuudiga Qiimaheedu waa mid sare marka loo eego dalagyo badan.

2.      Beeraha Liinta Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxay leeyihiin deegaan ku habboon beerista Liin macaane iyo Liin dhanaan oo iyagana loo dhoofin karaa dalalka Khaliijka.

3.      Khudaarta oo ay jirto baahi sii kordheysa oo loo qabo dalagyada sida Yaanyada, Basasha, Kabsarta, Qajaarka, Kaabash iyo Basbaas Gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

4.      Dalagyada Quudinta Xoolaha Dalagyada sida Alfalfa Sorghum iyo Galleyda quudinta oo iyagana taageera kobaca xoolaha iyo digaagga.

 

Tiknoolajiyada Casriga ah ee Beeraha

Mustaqbalka beeruhu wuxuu ku xiran yahay teknoolojiyada, Qaar ka mid ah farsamooyinka casriga ah waxaa ka mid ah Smart Irrigation nidaam waraabin oo isticmaala dareemayaal (sensors) si biyaha beeqamiyo looguna isticmaalo inta dhirtu u baahan tahay, Solar Irrigation Tamarta cadceedda ayaa maanta noqotay xal waara oo lagu shaqaysiin karo matoorrada waraabka taaso yaraysaa isticmaalka shidaalka, dhimaysa kharashaadka, ilaalisa deegaanka.

Isbeddelka Cimilada iyo Maalgashiga Beeraha

Maalgashiga casriga ahi waa inuu la jaanqaadaa isbeddelka cimilada, Waxaa muhiim ah Beerista dalagyo abaarta u adkaysta, Kaydinta biyaha roobka, Isticmaalka waraabka dhibicda (Drip Irrigation), Dib u beerista dhirta iyo Ilaalinta carrada.

Hababkan waxay kordhiyaan adkeysiga beeraha xilliyada abaarta iyo fatahaadaha.

Caqabadaha ka jira Maalgelinta Beeraha

Inkastoo ay jiraan fursado badan, haddana waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin Maalgelin xaddidan, Helitaanka deyn adag, Kaabeyaasha waddooyinka oo aad u yar, Suuq-geyn aan nidaamsanayn, Khasaaraha dalagga kadib goosashada oo aad u badan, Saameynta isbeddelka cimilada iyo Adeegyada fidinta beeraha oo kooban.

Xallinta caqabadahas waxay u baahan yihiin iskaashi u dhexeeya dowladda, ganacsatada, bangiyada, hay'adaha horumarinta, iyo bulshada.

Talooy so jeedin

Kahor inta aan la bilaabin mashruuc beeraha ah waxaa muhiim ah in: -

1.      La sameeyo daraasad suuq (Market Research) oo lagu jaan goynayo baahida dhabta ah ee jirta iyo qiimaha goan.

2.      La diyaariyo qorshe ganacsi (Business Plan) ku dhisan mustaqbalka.

3.      La doorto dalagga ugu faa'iidada badan deegaanka tan waxay muhiim u tahay in Deegan walbo dalag ku haboon lagu soo saaro iyado mesha ka sareysa tartanka suuqa qimana u yeelaysa dalagyada sido kale in la isticmaalo abuur tayo leh.

4.      La hirgeliyo nidaam waraabin oo waxtar leh si loo yareeyo qasarinta biyaha.

5.      La helo caymis haddii uu jiro tan waxay dhalineysa in beeraleyda aysan niyad jabin hadi ay qasaaro timado si ay u helan kab dag dag ah oo ay hore ugu wadan hamigoda sugida aminiga cuntada.

6.      La sameeyo heshiisyo suuq-geyn ka hor goosashada tan waxay yareyneysaan in dalagyadu suuqa ku haraan oo uu mesha ku halaabo.

7.      La isticmaalo teknoolojiyada casriga ah taas oo ka bilaabata Diyarinta dhulka ilaa suuq geynta sido kale hirgalinta warshado lagu farsameyo dalgyada si loogu isticmalo xiliyada jilaalka ama ay wax soo saarka yarado si loogu dheli tiro qiimaha suuqa iyo helitaanka.

Gunaanad

Maalgashiga beeruhu ma aha oo keliya ganacsi faa'iido leh ee waa maalgashi dhisa bulshooyin xooggan, kobciya dhaqaalaha dalalka, abuura shaqooyin isla markaana xaqiijiya sugnaanta cuntada.

Soomaaliya waxay leedahay khayraad dabiici ah iyo fursado badan oo weli aan si buuxda looga faa'iidaysan. Isku darka maalgashi, aqoon, tiknoolajiyad casri ah, iyo siyaasado taageera wax soo saarka ayaa horseedi kara in beeruhu noqdaan laf-dhabarta horumarka dalka.

"Hadaba Marka beeraha la maalgeliyo, waxaa la maalgelinayaa mustaqbalka dhaqaalaha, cuntada, iyo nolosha jiilasha soo socda."


Popular posts from this blog

Bulshada Soomaaliyeed

Impacts of Climate Change in Somalia

Deforestation