Horumarinta Reer Miyiga
Horumarinta reer miyiga waxay ka bilaabataa awoodsiinta bulshada iyada oo loo marayo aqoon, xirfado, iyo iskaashi.
Horumarinta reer miyiga waa geeddi-socod dhammaystiran oo lagu hagaajinayo tayada nolosha iyo fayoobaanta dhaqaale ee dadka ku nool miyiga iyadoo la xoojinayo kobaca bulshada iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo hindisayaal sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.
Hadafkeedu waa in la yareeyo saboolnimada lana abuuro fursado waara oo siman oo loogu talagalay bulshooyinka miyiga ku nool.
Hadaba Maxay Muhiim u tahay Hormarinta Reer Miyiga?
In kor loo qaado wacyiga
reer miyigu waxay kor u qaada hormarka dadka ku nool Miyiga iyado sido kale
qeyb ka qadata wax soo saarka beerha, xoolaha iyo ilaalinta degaanka taas oo
qeyb ka qadata hormarka dalka sida:-
1. Waxay Yareysaa
Saboolnimada Horumarinta miyiga waxay bixisaa shaqooyin, waxay kordhisaa
dakhliga, waxayna yareysaa sinnaan la'aanta iyadoo taageereysa beeraleyda
yaryar, Xoola dhaqatada, iyo ganacsiyada maxalliga ah.
2. Waxay Wanaajisaa
Sugnaanta Cuntada ee Bulshooyinka ku dhaqan miyiga Iyadoo la xoojinayo qaybaha
beeraha iyo xoolaha, bulshooyinka miyiga waxay soo saari karaan cunto ku filan
naftooda iyo meelaha magaalooyinka.
3. Waxay Kor u Qaadeysaa
Waxbarashada iyo Xirfadaha Bulshooyinka Reer miyiga Barnaamijyada tababarka iyo
dugsiyada miyiga waxay awoodsiiyaan dhalinyarada iyo haweenka aqoon iyo xirfado
farsamo oo loogu talagalay shaqada.
4. Waxay Wanaajisaa Xaaladaha
Caafimaadka iyo Nolosha Bulshooyinka Reer miyiga Kaabayaasha dhaqaalaha oo
wanaagsan sida biyaha nadiifka ah, xarumaha daryeelka caafimaadka, iyo
nadaafadda waxay hagaajisaa fayoobaanta guud ee qoysaska miyiga.
5. Waxay Hoos u Dhigtaa
Socdaalka Magaalooyinka Marka meelaha miyiga ah ay horumaraan, dadku waxay u
badan tahay inay u guuraan magaalooyinka iyagoo raadinaya shaqooyin, taasoo
yaraynaysa ciriiriga iyo shaqo la'aanta xarumaha magaalooyinka.
6. Waxay Taageertaa Badbadada
Deegaanka Horumarinta beeraha deegaanka u wanaagsan, beerista geedaha, iyo
tamarta la cusboonaysiin karo waxay gacan ka geysataa ilaalinta kheyraadka
dabiiciga ah ee jiilalka soo socda iyadu bulshada ka taxadari doonto xaalufka
deeganka.
Caqabadaha ay la kulmi karaan Bulshooyinka Reer miyiga
Reer miyiga waxay badanaa
wajahaan Caqabado waa wayn oo qaarkood sababa inay magaloyinka uso hijrodaan
waxana ka mid ah
A. Kaabayaasha dhaqaalaha
oo liita (wadooyinka, korontada, biyaha)
B. Helitaanka waxbarashada, Shaqo la'aan iyo daryeelka caafimaadka oo xaddidan
C. Isbeddelka cimilada iyo abaarta iyo Wax soo saar beeraha oo hooseeya
Si loo yareeyo Caqabadaha
ay la kulmaan Bulshooyinka Reer miyiga waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo
Barnaamijyo loogu tala galay; -
1. Horumarinta Beeraha,
sida Tababaro casri ah oo la jaan qadayo hab beerashada wanaagsan ee dunida.
2. Tababarka Waxbarashada
iyo Xirfadaha sida in la baro xirfado ay ku shaqeysan karaan si aan nolol
maalmeed uga helaan.
3. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida waddooyinka miyiga iyo nidaamyada biyaha
Gunaanud
Wadan walba oo dhaqalaha heer
ka gaaro waxa uu ku tiirsan yahay wax soo saarka Beeraha, Macdarta iyo kalmueysiga,
Anagoo taas ka jaan
qadeyna Soomaaliya Waxa ay ka mid tahay wadamada qaniga ku ah dhamaan qeybaha
kor ku xusan sida darted si kor loogu qaado Qeybta kowaad oo ah Beeraha waxa
lagama maarmaan ah ahmiyad siinta Bulshooyinka reer miyiga ah si wacyigoodu ugu
biiriyan inay maankooda, Muruqoda iyo mooralkodaba isku geyaan ka qeyb ahaanshaha hormarka dalka iyo wax soo
saarka beerha
