Nolosha Haramcadka (Cheetah): Xayawaanka Ugu Dheereeya Dunida


Haramcadka (Cheetah) waa xayawaanka ugu dheereeya dhulka, wuxuuna ka tirsan yahay qoyska bisadaha waaweyn. Inkastoo uu caan ku yahay xawaaraha cajiibka ah, haramcadku maanta wuxuu wajahayaa khataro badan oo ay ka mid yihiin dabar go', luminta deegaanka dabiiciga ah iyo ugaarsiga sharci darrada ah. Fahamka noloshiisa iyo ilaalintiisu waa muhiim si jiilasha mustaqbalka ay u arkaan xayawaankan qiimaha badan.

Asalka Haramcadka

Cilmi baarayaashu waxay rumeysan yihiin in Taariikh ahaan haramcadka ay soo jireen ku dhowaad 5 ilaa 7 milyan oo sano ka hor. Nooca haramcadka casriga ah (Acinonyx jubatus) ayaa la aaminsan yahay inuu soo baxay qiyaastii 1 ilaa 2 milyan oo sano kahor, isagoo markii hore ku faafay Afrika, kadibna gaaray qaybo ka mid ah Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Degaan ahaan Halkee Ayuu Ku Nool Yahay Haramcadku?

Haramcadku wuxuu inta badan ku nool yahay dhulka bannaan ee Afrika, sida savannada iyo dhul daaqsimeedka. Tiro yar ayaa sidoo kale laga helaa qaar ka mid ah dalalka Aasiya. Wuxuu jecel yahay meelaha furan si uu si fudud ugu daba galo ugaadhsigiisa.

Astaamaha Haramcadka

Haramcadku wuxuu leeyahay astaamo gaar ah oo ka duwan bisadaha kale:-

1.      Waa xayawaanka ugu dheereeya dhulka, wuxuuna gaari karaa xawaare gaaraya 100–120 km/saacaddii muddo gaaban.

2.      Jirkiisu waa dhuuban yahay, lugihiisuna waa dhaadheer yihiin, taas oo ka caawisa orodka.

3.      Dhogortiisu waa huruud khafiif ah oo leh dhibco madow.

4.      Wuxuu leeyahay xariijimo madow oo ka soo bilaabma indhaha ilaa afka, kuwaas oo yareeya iftiinka qorraxda marka uu ugaarsanayo.

Cuntada Haramcadka

Haramcadku waa hilib cune (carnivore’s animals). Waxa uu ugaarsadaa xayawaanno yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah sida: Cawsha, Gazelle, Bakaylaha iyo Shimbiraha qaarkood.

Si ka duwan libaaxyada, haramcadku inta badan wuxuu ugaarsadaa maalintii, gaar ahaan aroortii iyo galabtii.

Taranka iyo Koritaanka

Dheddigga haramcadku waxay uur qaaddaa qiyaastii saddex bilood. Hal mar waxay dhali kartaa 2 ilaa 6 ilmo. Hooyadu waxay si taxaddar leh u ilaalisaa ilmaheeda bilaha ugu horreeya, iyadoo marar badan u beddesha meelaha ay ku dhuuntaan si ay uga badbaadaan ugaarsatada kale.

Doorka Haramcadka ee Deegaanka

Haramcadku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa isku dheelitirka deegaanka. Wuxuu xakameeyaa tirada xayawaanka uu ugaarsado, taas oo gacan ka geysata ilaalinta nidaamka deegaanka iyo caafimaadka duurjoogta.

Caqabadaha Haramcadka

Haramcadku maanta wuxuu la kulmaa dhibaatooyin badan, waxaana ugu waaweyn:

1.      Burburka iyo yaraanshaha deegaanka dabiiciga ah.

2.      Iskahorimaadka u dhexeeya dadka iyo duurjoogta.

3.      Ugaarsiga sharci darrada ah.

4.      Isbeddelka cimilada oo saameeya helitaanka cunto iyo biyo.

5.      Hoos u dhaca tirada ugaadha uu ku noolaado.

Sidee Loo Ilaalin Karaa Haramcadka?

Ilaalinta haramcadka waxay u baahan tahay dadaal wadajir ah. Waxaa ka mid ah:

1.      Ilaalinta keymaha iyo dhul-daaqsimeedyada.

2.      Xoojinta sharciyada ka hortagga ugaarsiga sharci darrada ah.

3.      Wacyigelinta bulshada ee muhiimadda duurjoogta.

4.      Taageeridda xarumaha ilaalinta xayawaanka.

5.      Cilmi-baaris joogto ah oo lagu fahmayo xaaladda haramcadka.

Gunaanad

Haramcadku waa astaan muhiim u ah quruxda iyo kala duwanaanshaha noolaha dunida. Inkastoo uu yahay xayawaanka ugu dheereeya dhulka, haddana ma awoodo inuu ka cararo khataraha bani'aadamku sababay. Ilaalintiisu waa mas'uuliyad wada saaran bulshada caalamka si loo hubiyo in xayawaankan cajiibka ahi uu sii jiro jiilasha soo socda.

Popular posts from this blog

Bulshada Soomaaliyeed

Impacts of Climate Change in Somalia

Deforestation