Hagaha Casriga ah ee Beerashada Galleyda: 13-ka Hab ee Ugu Wanaagsan Beerashada Galleyda si Loo Helo Dalag Tayo Sare Leh
Galleydu waa dalag ka mid ah kuwa ugu muhiimsan
dunida, waxaana lagu tiriyaa tiirka amniga cuntada ee dalal badan, gaar ahaan
Afrika. Waxay kaalin weyn ka qaadataa quudinta dadka iyo xoolaha, sidoo kale
waa wax soo saar ay isticmaalaan warshado badan oo sameeya bur, saliid, quudin
xoolaad, iyo badeecooyin kale. Maadaama baahida galleydu ay sii kordhayso,
waxaa muhiim ah in beeraleydu bartaan farsamooyin casri ah oo kordhinaya wax
soo saarka iyo tayada dalagga.
Beerashada galleyda ma aha oo keliya in abuurka dhulka
lagu rido. Waxay u baahan tahay qorsheyn wanaagsan, fahamka carrada, xulashada
abuurka saxda ah, maaraynta biyaha, bacriminta, xakamaynta cayayaanka iyo
cudurrada, goosasho sax ah, kaydin tayo leh, iyo suuq-geyn xeeladaysan.
Fahamka
Galleyda
Galleyda (Zea mays) waa geed sanadle ah oo ka tirsan
qoyska cawska (Poaceae). Waxay leedahay jirid adag, caleemo dhaadheer, xididdo
xooggan, ubax lab iyo dheddig ah, iyo madax ay ku samaysmaan hadhuudhka.
Noocyada galleyda waxaa ka mid ah Galleyda cad (White
Maize, Galleyda jaallaha ah (Yellow Maize), Galleyda macaan (Sweet Corn),
Galleyda saloolka (Popcorn), Galleyda quudinta xoolaha (Feed Maize).
Carrada
Ku Habboon Beerashada Galleyda
Nooca Carrada Galleydu waxay ugu fiican tahay: Carrada
loamy, Carrada bacaad iyo dhoobo isku dheellitiran, Sido kale Heerka pH ee ugu
habboon waa 5.8 ilaa 7.0, Haddii carradu aad u aashito badan tahay ama aad u
alkaline tahay, geedku si fiican uma nuugo nafaqooyinka.
Nafaqooyinka Muhiimka ah galleydu waxay si gaar ah ugu
baahan tahay: Nitrogen (N), Phosphorus (P), Potassium (K), Zinc, Sulfur,
Magnesium iyo Calcium Waxaa habboon in la sameeyo baaritaanka carrada ka hor
beerista.
Diyaarinta
Dhulka
Diyaarinta wanaagsan waxay kordhisaa biqilka iyo
koritaanka,
In laga saaro haraadiga ama haramaha geedaha hore ama
dhagxaanta, Falo ama qodo dhulka, Jebi buuraha ciidda, Sameeyo safaf iyo in
lagu daro digada dabiiciga ah, Digada si fiican u qudhuntay waxay hagaajisaa
qaab-dhismeedka carrada waxayna kordhisaa awoodda ay biyaha ku hayso.
Xulashada
Abuurka
Abuur wanaagsan waa saldhigga wax soo saarka, Dooro abuur Tayo sare leh, Biqilkiisu ka badan yahay 90%, U adkaysta cudurrada, Ku habboon deegaanka, Wax soo saar badan leh, Hana isticmaalin abuur dhaawacan ama muddo dheer kaydsanaa.
Beerista
Goorta la Beero Bilowga xilliga roobka Ama marka waraab
joogto ah la heli karo Beerista hore waxay ka faa'iido badan tahay beerista
daahday.
Habka beerista abuurka geli qoto dheer oo dhexdhexaad
ah, adigoo ilaalinaya kala fogaanshaha geedaha iyo safafka si ay u helaan iftiin,
hawo, iyo nafaqo ku filan.
Waraabinta
Galleydu waxay si gaar ah ugu baahan tahay biyo saddex
marxaladood:
·
Biqilka: Biyaha ayaa fududeeya soo bixidda
geedka.
·
Ubax-bixinta: Biyo yaraantu waxay si weyn u
yarayn kartaa wax-soo-saarka.
·
Samaysanka hadhuudhka: Waa marxaladda ugu
muhiimsan ee go'aamisa miisaanka iyo tayada hadhuudhka.
Bacriminta
Galleydu waxay isticmaashaa nafaqo badan, Waxaa la
isticmaalaa:
·
Digada dabiiciga ah Waxay hagaajisaa
carrada.
·
Bacriminta kiimikada Waxaa lagu daraa
iyadoo lagu salaynayo baahida carrada.
·
Waxaa fiican in bacriminta loo qaybiyo
dhowr jeer halkii mar keliya.
Haramaha
(jaanka am unwanted plants)
Haramuhu waxay la tartamaan galleyda Waxayna geedka la
qeybsadaan Biyaha, Nafaqada iyo Iftiinka
Waxaa lagu xakameeyaa iticmalka, Gacanta, Qodista,
Mulching ama Sunta haramaha.
Cayayaanka
Cayayaanka ugu badan waxaa ka mid ah:
·
Fall Armyworm Wuxuu cuna caleemaha iyo
ubaxa.
·
Stem Borer Wuxuu galaa jirridda.
·
Aphids Waxay nuugaan dheecaanka geedka.
Waxaa looga hortagi karaa Kormeer joogto ah, Dalag wareejin,
Isticmaalida noocyo adkaysi leh iyo Adeegsiga sunta cayayaanka marka loo baahdo
Cudurrada
Cudurrada ugu badan waxaa ka mid ah Leaf Blight, Rust,
Smut iyo Root Rot.
Waxana looga hor tagi kara ama lagu yareyn karaa in la
isticmaalo abuur caafimaad qaba, In lagu dadaalo Nadaafadda beerta iyo Bacrimin
dheellitiran.
Waqtiga
Goosashada
Galleyda waa diyaar marka Caleemuhu qallalaan,
Madaxyadu adkaadaan, Hadhuudhku yeesho qoyaan hoose, Goosashada waqtigeeda
waxay yareysaa khasaaraha.
Hababka
Kaydinta
Ka dib goosashada Si fiican u qalaji, Kala saar
hadhuudhka dhaawacan, Ku Shub jawaano nadiif ah, Ku kaydi meel qalalan oo hawo
leh, Ka ilaali jiirka iyo cayayaanka.
Kaydinta saxda ah waxay yaraysaa khasaaraha waxayna
ilaalisaa tayada.
Suuq-geynta
Galleyda
Suuq-geyntu waa tallaabada ugu dambeysa ee go'aamisa
faa'iidada beeraleyga. Ka hor iibinta, ogow qiimaha suuqa, goobaha wax lagu
iibiyo, iyo xilliyada qiimuhu sareeyo. Hubi in galleydu tahay mid nadiif ah, si
fiican loo qalajiyey, oo aan lahayn cayayaan ama wasakh. Haddii aad haysato
meel kaydin wanaagsan, waxaad sugi kartaa xilliga uu qiimuhu kordho. Waxa kale
oo aad ka faa'iidaysan kartaa suuqyada deegaanka, ganacsatada jumlada,
warshadaha, iyo suuq-geynta casriga ah sida WhatsApp Business iyo Facebook.
Gunaanad
Beerashada galleyda oo guulaysata waxay ku dhisan tahay isku xirka dhammaan marxaladaha wax soo saarka. Laga bilaabo fahamka carrada iyo diyaarinteeda, xulashada abuur tayo leh, waraabinta iyo bacriminta habboon, xakamaynta haramaha iyo cayayaanka, ilaa goosashada, kaydinta, iyo suuq-geynta, tallaabo kasta waxay saameyn toos ah ku leedahay tayada iyo tirada dalagga.
Beeraleyda adeegsada farsamooyin casri ah, qorsheyn wanaagsan, iyo
maamul hufan waxay kordhin karaan wax-soo-saarkooda iyo faa'iidadooda, iyagoo
sidoo kale ka qayb qaadanaya sugnaanta cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha.