Calanka Soomaaliya: Astaanta Midnimada iyo Sharafta Qaranka
Midabkiisa
buluugga ah iyo xiddigta cad ee shanta gees leh waxay xusuusinayaan qiimaha
midnimada, xorriyadda iyo himilada qaranimo marka calanka Soomaaliya la arko,
waxaa la xusuustaa dal, dad iyo taariikh ay wadaagaan malaayiin Soomaaliyeed.
Taariikhda Calanka
Soomaaliya
Calanka
Soomaaliya waxaa la sameeyay 12-kii Oktoobar 1954, waxaana naqshadeeyay Maxamed
Cawaale Liibaan. Waxaa la qaatay xilligii halganka gobannimada, ka hor intii
aan Soomaaliya xorriyaddeeda qaadan 1960.
Markii
ay gobannimada qaadatay Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960, calanka
buluugga ah ee xiddigta cad leh wuxuu noqday astaanta qaranka Soomaaliyeed.
Tan
iyo markaas, calanku wuxuu ahaa astaan muujinaysa jiritaanka qaranka,
madaxbannaanida iyo aqoonsiga Soomaaliya.
Maxay Ka Dhigan Tahay
Xiddigta Shanta Gees Leh?
Xiddigta
cad ee shanta gees leh waxay taariikh ahaan astaan u ahayd himiladii mideynta
shanta dhul ee ay Soomaalidu degto: dhulkii Soomaaliya ee gobannimada qaatay,
Somaliland-kii Ingiriiska, Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Itoobiya iyo NFD oo ku
yaalla Kenya.
Himiladaas
midnimada Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka ahayd fikirkii qaranimo ee
xilligii gobannimada. Maanta, xiddigtu waxay sidoo kale dad badan u tahay
astaan lagu xusuusto walaaltinimada iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaalida.
Midabka Buluugga ah iyo
Xiddigta Cad
Calanka
Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo muuqaal ahaan fudud, balse leh
muhiimad qaran.
Buluugga: Midabka buluugga ahi
waa astaanta muuqata ee calanka Soomaaliya. Taariikh ahaan, midabkani wuxuu la
xiriiray calankii Qaramada Midoobay, oo door ku lahaa xilligii maamulkii
wakiilnimada ee Soomaaliya. Fasiraadaha kale ee buluugga lala xiriiriyo, sida
nabadda iyo cirka, waxay muujin karaan dareenka iyo rajada ay dadku calanka ku
arkaan.
Xiddigta cad: Xiddigtu waxay
xambaarsan tahay taariikhda midnimada Soomaaliyeed iyo himiladii qaranimo.
Midabkeeda cadna wuxuu dad badan xusuusin karaa nabad, rajo iyo mustaqbal
wanaagsan.
Waxaa
jirta arrin mudan in aynu si dhab ah uga fikirno mararka qaarkood, calamada
beelaha ayaa si weyn loo muujiyaa loona xusuustaa, halka taariikhda iyo qiimaha
calanka Soomaaliya aan la siin dareen la mid ah. Qof kastaa xaq ayuu u leeyahay
inuu aqoonsado beeshiisa oo ilaashado taariikhdeeda, balse waa in aan la hilmaamin
astaanta ina mideysa.
Calanka iyo Masuuliyadda
Muwaadinka
Jacaylka
calanku kuma koobna in la taago maalmaha ciidaha ama xilliyada munaasabadaha
qaranka. Wuxuu sidoo kale ka muuqdaa sida aynu dalkeenna ugu adeegno, u
ilaalinno hantida guud, u dhowrno sharciga, una taageerno nabadda iyo
horumarka.
Muwaadin
kasta wuxuu masuuliyad ka saaran tahay dhismaha Soomaaliya inuu aqoontiisa ku
biiriyo bulshada, fursadaha u abuuro dadka kale, ixtiraamo kala duwanaanshaha
bulshada, kana shaqeeyo midnimo iyo wadajir.
Calanku
wuxuu ina xusuusin karaa in kala duwanaanshaha fikradaha iyo duruufaha nololeed
aysan meesha ka saarin aqoonsiga aynu wadaagno.
Jiilka Cusub iyo Mustaqbalka
Soomaaliya
Dhalinyarada
Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ku leeyihiin mustaqbalka dalka. Waa inay
bartaan taariikhda qarankooda, fahmaan qiimaha gobannimada, ilaaliyaan
astaamaha qaranka, isla markaana horumariyaan aqoonta, xirfadaha iyo hal
abuurka dalka wax u taraya.
Calanka
oo la sharfo waa arrin qiimo leh, balse waxaa sii qiimo badan in himilooyinka
uu xusuusinayo loo beddelo ficil waxbarasho, shaqo abuur, caddaalad, nabad iyo
horumar waara.
Gunaanad
Ugu
dambayn, calanka Soomaaliya ma aha oo keliya maro buluug ah oo xiddig cad ku
dhex taallo ee waa astaan xambaarsan taariikh, halgan, rajo iyo aqoonsi qaran
waa xusuus ina tusaysa in aynu nahay dad leh dal iyo mustaqbal aynu wadaagno
inkasta oo aynu leenahay beelo, afkaar iyo aragtiyo kala duwan, haddana waxaa
ina mideeya Soomaalinimada iyo masiirka dalkeenna.
Waxaa
la joogaa waqtigii aynu dib u xoojin lahayn jacaylka calankeenna, ilaalin
lahayn taariikhdiisa, una gudbin lahayn jiilasha dambe qiimaha midnimada iyo
qaranimada.
